Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageeray joojinta dagaalka Gaza

Security Council Meeting: The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2010/447)

Nov 15 (Jowhar.com)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraarka ay soo hordhigtey Malta kaas oo ku baaqaya in la joojiyo duqeynta iyo dagaalada ka socda magaalada Qaza si degdeg ah oo ay bini’aadantinimo ah lana kordhiyo kaalmada gargaarka ee la gaarsiinayo Qaza.

12 xubnood ayaa u codeeyay qaraarka halka saddex dal oo kala ah Maraykanka, UK iyo Ruushka ay ka aamuseen.

Qaraarka ayaa sidoo kale ku baaqaya in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha u xiran Xamaas iyo kooxaha kale.
Waxay dalbanaysaa in dhammaan dhinacyada ay u hoggaansamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, waxayna ugu baaqaysaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu la socdo oo uu ka warbixiyo dhaqangelinta qaraarkan.

Bishii Oktoobar, Golaha Ammaanku ayaa ku guuldareystay afar jeer inuu soo saaro go’aamo ku baaqaya in xabad-joojin ama joojinta bani’aadamnimada ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More