Golaha Wasiirada Hirshabelle oo maanta ansixiyay Miisaaniyada 2022

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha xukuumada Dowladda Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa shirka golaha wasiirada golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu las oo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.

Golaha Xukuumadda ayaa cod gacantaaga ku ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2021/22 oo Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay usoo gudbisay golaha xukuumadda

Kulanka waxaa kale oo looga hadlay in Hay’addaha Dowladda ay isticmaalaan account xisaabeed uga furan wasaarada maaliyada, wasaaradii aan lahayna ay furato iyo in Wasaaradaha ay isticmaalaan Email-ka Officialka ee Dowladda Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada ayaa maanta ka dooday bixinta kaararka aqoonsiga Wasaaradaha iyo guud ahaan dowladda, iyadoo goluhu isla qaateen in sanadka cusub dowladda ay soo saari doonto karaar cusub oo mideysan oo laga bixin doono Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Ugu dambeyn madbacadaha kaararka aqoonsiga daabaca waxaa looga digay inaysan sameyn kaarar aan sharci ahayn cidii lagu helana laga qaado talaabo harciga waafaqsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More