Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ku ansixiyay guddiyo iyo Hindise Sharciyeedyo

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey guddiga maamulka hay’adaha Saadaasha Hawada Soomaaliya, Hindise Sharciyeedka Nidaam Maaliyeedka Kheyraadka dhulka hoostiisa, Hindise Sharciyeedka xayiraadda iyo danbiyada dhaqaalaha, Habraaca Siyaasadda diyaarinta hindise sharciyeedyada iyo Hindise sharciyeedka Ruqsadaha ganacsiga.

Hindise Sharciyeedyada iyo Siyaasadaha la ansixiyay ayaa muhiim u ah hay’adaha dowladda, waxayna hagayaan habraacyada maareynta sharciyada iyo shaqooyinka, waxayna Goluhu ku ansixiyeen wadar ogol, kuwaa oo ay soo gudbiyeen soonna diyaariyeen Wasaradaha Maaliyadda, Ganacsiga , Caddaaladda iyo Gaadiidka .

Guddiga Maamulka Hay’adaha Sadaasha Hawada Soomaaliya ayaa ka kooban 11 xubnood oo ah khubaro iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed, waxayna qeyb ka yihiin qorshaha Dowladdu ay ku xoojinayso dhismaha hay’adaha duulista.

Golaha Wasiirrada ayaa si wadajir ah tacsi ugu diray ehellada lixdii sarkaal ee lagu dilay duleedka Balanbale, waxayna falkaasi ku tilmaameen mid laga xumaado, iyadoo uu socdo baaritaanno xoog leh oo lagu soo qabanayo kooxihii falkaas geystay, si caddaaladda loo horkeeno.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More