Guddiga baarista dhacdada 27 december oo su’aalo weydiiyay taliyaha ilaalada Madaxtooyada

Guddigii baaritaanka dhacdadii 27 December ee isku daygii Afgambiga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta su’aalo weydiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Col. Xasan Dhicis iyo saraakiil kale oo ka tirsan Guutada 77aad ee Ilaalada Madaxtooyada.

Kulankan oo goordhow ka dhacay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka mid ahaa kulamo xiriir ahaa oo Guddigu yeelanayay labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyagoo su’aalo weydiin iyo xog uruurin ku aadan dhacdadii 27 December ka waday gudaha Madaxtooyada.

Hase yeeshee waxaa jira warar aan la xaqiijin kuwaasoo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in qaar ka mid ah ilaalada madaxtooyada kana mid ahaa ciidamadii weeraray xafiiska ra’iisul wasaaraha inay ka baxsadeen magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More