Wasiirka gaadiidka oo beeniyay in la wareejiyay Maamulka hawada.

Wasiirka Gaadiidka Xukuumada Federalka Mudane Duran Axmed Faarax ayaa manta oo taariikhdu tahay 5 Janaayo 2022 ayaa beeniyay war lagu faafiyay baraha bulshada kuwaas oo la xariira Maamulka hawadda Dalka.

Wasiir Duran Axmed Faarax ayaa beeniyay in Maamulka hawadda dalka lagu wareejiyay Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed u caddaynayaa inaysan waxba ka jirin in Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda XFS ay Maamulka hawadda ku wareejisay Shirkad gaar loo leeyahay.”ayuu yiri wasiirka.

“Dawladda Soomaaliya ayaa Maamusha hawadda, waana been abuur wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee la xariira wareejinta maamulka hawadda dalka.”ayuu sii raaciyay wasiir Duraan Axmed Faarax.

Soomaaliya ayaa maamusha hawadeeda, waxaana tan ay qayb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More