Guddiga doorashada beelaha banaadiriga oo shaaciyay qabashada 5 kursi oo golaha shacabka ah

Guddiga doorashada Beelaha Banaadiriga ayaa shaaciyay qabashada 5 kamid ah kuraasta ay ku leeyihiin Golaha Shacabka.

Shantan kursi ayaa waxaa ay doorashadooda ka dhacaysaa caasimada dalka ee Muqdisho.
Xildhibaanada hore ugu fadhiyay shantaan kursi ayaa labo ka mid ah waxa ay yihiin haween.

Halkan hoose ka aqriso lambarada iyo magacayada xildhibaanadii hore ugu fadhiyay kuraasta;

1: HOP105 Jeylaani Nuur Iikar
2: HOP 265 lufti Sheekh Maxamed Cumar
3: HOP 266 Biibi Khaliif Maxamed
4: HOP 034 Khaalid Macow Cabdulqaadir
5:HOP 084 Fahma Axmed Nuur

Waa markii ugu horeysay ee beelaha banaadiga gudigooda ay shaaciyaan qabashada doorashada golaha shacabka iyadoo xalay waqti dambe guddiga doorashada Jubbaland uu ku dhawaaqay illaa 14 kursi in doorashadooda la qabanayo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More