Guddiga Doorashada Somaliland oo shaaciyay Xubnaha soo xulaya Ergooyin iyo Jadwal cusub

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS.

Guddiga ayaa sheegay in Maanta oo taarikhdu tahay 12 Bish labaad la bilaabi Doono Diwaangelinta Ergada, tabobaridda, qabashada Codsiyada iyo xaqiijinta Shuruudaha Musharaxiinta, ayna socon doonto ilaa 15-ka Bisha.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay Magacyada xubnaha soo xulaya ergooyinka kuraasta tirsigoodu yahay 1-HOP#212,HOP#258 iyo HOP#259.
Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Labada aqal Ee Somaliland ayaa sidoo shaaciyay in Kuraasta ay Doorashadoodu dhici doonto 16 Bisha 02-2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More