Guddiga Doorashada;”Mas’uuliyadda Dib u dhac kuyimaada jadwalka doorashada waxaa qaadaya Golaha Wadatashiga”

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa sheegay in mas’uuliyadda dib u dhac ku yimaada jadwalka doorashada ay qaadanayaan golaha wadatashiga qaran iyo siyaasiyiin dhankooda ka xaniban tahay howsha doorashada.

War Saxaafadeed uu soo saaray Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa waxaa lagu booriyay Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada Heer Federal ayaa u qabtay muddo 48 saacadood ah inay guddiyada doorashooyinka maamulada Puntland,Hirshabelle iyo Puntland ku soo gudbiyaan caqabadaha hortaagan inay bilaabaan doorashada golaha shacabka.

War Saxaafadeed uu soo saaray Guddigu sheegay in illaa hadda 24 kursi oo Golaha Shacabka ah la doortay, labo ka mid ah Natiijadooda la laalay, halka hal kursi dacwadiisa la taallo Guddiga Xalinta khilaafaadka.

Maamulada Galmudug iyo Koofurgalbeed iyo guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu soo doortay xildhibaano ka tirsan golaha shacabka halka aan maamulada Hirshabelle,Puntland iyo Jubbaland aysan weli ka bilaaban doorashada golaha shacabka.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay guddiga;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More