Guddiga Doorashooyinka oo sheegay inay soo gaareen cabashooyin ayna baaritaan ku sameynayaan

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay soo gaartay cabashooyin iyo tallooyin ku aadan doorashooyinka socda, iyadoo guddigu baaritaan ku sameynayo dhammaan cabashooyinka laga keenay kuraasta la doortay iyo kuwa la dooran rabo oo murano xooggan ku gadaaman yihiin.
Guddiga ayaa ku hanjabay in aanu aqbali doonin wax kasta oo baalmarsan hufnaanta doorashada, waxaana uu caddeeyay in guddiyada doorashada maamulaya ay ka madax bannaan yihiin siyaasadda iyo faragelinta siyaasiga.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ayaa waxa uu faray Guddiyada doorashada in waajibkooda u gutaan si madax bannaan oo cadaalad ah.

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashooyinka Heer Federal ayaa yimid kadib markii ay maanta kulan ka yeesheen arrimaha doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cirro.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More