Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa oo eedeyn u soo jeediyay Wasaarada Cadaalada

Guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa waxa ay eedeyn u soo jeediyeen Wasaarada Cadaalada inay farogelin ku hayso howlaha loo igmaday guddiga.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa Dr Xasan Khaliif Xasan oo wareysi siiyay taleefishinka Universal ayaa sheegay in Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Cabdul qaadir Maxamad Nuur Jaamac uu farogelin ku hayo howlaha guddiga.

“Wasiirka Caddaaladda & Agaasimihiisa waxa ay si sharci darro ah gacmaha kula jiraan shaqada uu Guddiga lahaa iyaga oo ka doonayo Dano gaar ah si musuqmaasuq ah, shaqada Guddiga Madaxabannaan ee la dagaalanka Musuqa ayuu gacmaha la galeen waana tallaabo kahor imaaneysa madaxbanaanida Guddigaan” ayuu yiri Dr. Xasan Khaliif Xasan.

Dr. Xasan ayaa sheegay in Wasiir Cabdulqaadir uu qabtay munaasabad ka madaxbannaan oo lagu maamuusayay la dagaalanka Musuqa oo ku beegneed 9dii December 2021 taas oo ah shaqada Guddiga uu leeyahay.

Guddoomiye ku xigenka guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya guddiga iyo wasaarada cadaalada uu hore u kala dhex galay Madaxweynaha muddo xilleedkisu dhamaaday balse uu awoodi waayay inuu xaliyo.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa mar kale gashay kaalinta 1aad ee dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida ay sheegtay hay’adda Transparency International oo soo gudbisay qiimeynta ay ku sameysay 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More