Maamulka Galmudug oo ciidamo kala dhex galay maleeshiyo ku dagaalantay Kaxandhaale

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleed dagaal culus ku dhex marey maalmihii lasoo dhaafey deegaanka Kaxandhaale oo ka tirsan degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa bilaabay dadaalo ay ku doonayaan in ay kala qaadaan maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Dagaal dhex maray maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda beelo wada dega gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintey inkabadan toban ruux halka dhowr iyo toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku soo laablaabta dagaalada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada iyadoo dagaaladaana ay sababaan dhimasho iyo dhaawac iyo weliba barakac.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More