Guddiga lagu muransan yahay: Culeyska Siyaasadda iyo Walwalka kala dirista

Guddiga doorashooyinka lagu muransan yahay waxaa la magacaabay 5tii  November 2020, waxa ay ka kooban yihiin, 25 xubin oo 12 kamid ah ay shanta dowlad goboleed iyo Somaliland u qeybsadeen min laba xubnood oo lagu daray 13 xubin oo dowladda Federaalku leedahay.

Kadib is mari waa ka dhashay hannaanka fulinta heshiiskii 17kii September oo ku saleysnaa; Guddiga, Arrinka Gedo, iyo maamulka doorashada Xildhibaannada Somaliland ku matala Federaalka, waxaa cakirmay shaqada guddiga lagu muransanyahay:

1- FASHILKA LABA JADWAL.

Laba jeer ayuu dib u dhacay,

23 December 2020 ayuu guddiga lagu muransan yahaysoo saaray jadwal doorasho oo qeyaxayay in 31kii December 2020, ilaa 6dii Janaayo 2021 ay qabanayaan doorashada senetorrada aqalka sare, waxay ahayd tallaabo lala yaabay balse markii dambe caddaatay in aysan shaqeyn karin.
29kii Disember ayuu guddigu jadwal labaad soo saaray, waxa uu sheegayay 7da ilaa 14ka la qabanayo doorashada senetorrada aqalka sare.

Labadaan isku day ayaa xubnaha guddiga ku riday niyadjab iyaga oo xaqiiqsaday in amarrada Madaxweyne Farmaajo ee hannaanka doorashada aysan dhaqan geli karin haddii la waayo heshiis wadar-oggol ah oo dhex mara saamileeyda.

2- DHAQAALE LA’AAN:

Miisaaniyadda 2021 ee la ansixiyay waxaa ku jira ilaa 14 Milyan oo dollar oo loogu talagay hirgelinta doorashooyinka, lacagtaan oo inta badan waxaa laga sugayaa beesha caalamka.

Sida ay inoo sheegeen xubno kamid ah oo guddiga oo codsaday inaan magacooda la shaacin muddada uu dhisan yahay guddiga oo ku dhow laba bil ma helin wax lacag ah oo kharashaadka lagu bixiyo, taasoo keentay in billaaban waayaan howlaha yaryar ee guddiga.

“Qalabka xafiisyada loo adeegsado sida daabacaadda IWM waxaa inoo soo iibiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale dhanka gaadiidkana naga caawiyo”.

3- MADAX BANNAANI LA’AAN:

Sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka mid ah guddiga go’aamada waaweyn ee ilaa iyo hadda uu guddigu qaataysida labada jeer ee uu shaaciyay waqtiga qabsoomidda doorashooyinka iyo E-maillo loo kala dira xafiisyada madaxda Dowlad Goboleedyada waxaa laga soo saaray xafiiska Madaxweynaha iyada oo la soo marsiiyay agaasime ku xigeenka madaxtooyada oo xubin ka ah guddiga.

Xubnaha guddiga oo arrinkaan aad uga caroodayayaa meesha ka saartay kulamadii maalinlaha ahaa ee ay isugu imaan jireen.

4- WALWALKA ISBEDELKA:

Wararka soo baxay ee tibaaxay in 15 xubin oo kamid ah guddiga la baddalyo iyo musharraxiinta mucaaradka oo gudbinaya liiska ay doonayaan in lala noqdo ayaa kalsooni darro ku abuurtay inta badan xubnaha guddiga iyaga oo qaarkood ay inoo sheegeen in ay ka fikirayaan “Is casilaad”.

Sidoo kale waxaa taagan walaaca mustaqbalka guddiga haddii heshiis siyaasadeed lala galo Madoobe iyoDeni, taas oo meesha ka saareysa guddiga.

5- FADEEXADDA BARAHA BULSHADA:
Sida ay baahisay warbaahinta maxalliga ah 14-kii bishan bogga guddiga ee internetka yaa baahiyay qormo uu qorayahow-wadeen safaaradeed oo ay qaraabo yihiin Madaxweyne Farmaajo oo lagu aflagaadeeyay mid ka mid ah musharrixiinta.
Xubno ka mid ah guddiga ayaa soo jeediyay in guddigu cudurdaarto, balse waxaa lagu soo koobay in bogga laga tiro Facebook uu ku xirnaa, lana shaaciyo inuu ahaa been abuur.
6- KHILAAF DHEXDOODA AH:
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xilkas ah oo ku dhow guddiga waxaa jira khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan xubnaha guddiga oo laba garab u kala jaban, kaas oo qarka u saaran in uu bannaanka u soo baxo. Guddoomiyaha oo la aaminsan yahay in uu fuliyo amarrada Madaxweyne Farmaajo ee u soo mara agaasime kuxigeenkiisa iyo xubnaha kale ee guddiga ee u badan dhallinyarada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More