Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

April 30 (Jowhar.com) – Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay guddooomiyihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ka dib kulan ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kulanka khudbad ka jeediyay ka dib markii uu xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub Sheikh Aadan Madoobe.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo kulanka xiga ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna sheegay in ay noqon doonto 4-ta bisha soo socoto ee May.

“Kulanka ugu horeeya waxaa uu ajandihiisu noqon doonaa ka doodida miisaaniyada 2022 iyo inaan ka wadatashano qabashada doorashada Madaxweynaha oo nagala sugayo,”ayuu yiri Sheekh AadanMadoobe.

Waxa kale oo uu qudbadiisa Sheekh Aadan Madoobe ku sheegay in koox gaar ah aysan guddoonku la socon, wixii ka horreeyeyna aysan shaqo ku laheyn wixii maanta ka bilowdana ay si cadaalad ah u xalinayaan arrimaha yaryar ee jira.

Hase yeeshee kahor inta uusan bilaaban kulanka ayaa waxaa hareeyay hoolka baarlamaanka buuq ka dhashay xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey oo dhamaantood soo xaadirey kulanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax go’aan ah oo laga gaaray sida laga yeelayo 32ka xubnood ee qof walba sheeganayo inuu yahay xildhibaanka la soo doortay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More