Nin Koonfur Afrikaan ah oo toogasho ku dhaawacay haweeney Madow ah isagoo u maleeyay Jeer

April 30 (Jowhar.com) –Nin caddaan ah oo 77 jir ah oo Koonfur Afrikaan ah ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ka dib markii uu toogtay oo dhaawacay haweeney madow ah isagoo ku andacooday in uu u maleeyay in ay tahay xayawaanka jeerta loo yaqaan.

Paul Hendrik van Zyl, ayaa la xiray Talaadadii ka dib markii uu rasaas ku ridey Ramokone Linah, oo iyada iyo lamaanaheeda ay ka kalluumeysanayeen wabiga magaalada Lephalale, ee waqooyiga gobolka Limpopo.

Van Zyl ayaa wajahaya eedeymo isku day dil ah, sida ay sheegtay Hay’adda Dacwad-oogayaasha Qaranka (NPA).

Linah, oo 38-jir ah, ayaa dhaawac ka soo gaaray gacanta, halka lammaaneheed uu goobta ka baxsaday ka hor inta uusan u sheegin booliiska iyo adeegyada degdegga ah.

Eedeysanaha oo ah milkiilaha beerta uu shilku ka dhacay, ayaa sidoo kale waxaa ay Booliska gacanta ku dhigeen hub uu lahaa.

Kala qaybsanaan qotada dheer ayaa ka jirta Koonfur Afrika 28 sano kadib markii uu dhamaaday xukunkii midab-takoor ee dadka tirada yar ee caddaanka ah, dhacdooyinkan oo kale ayaa inta badan keena carro.

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah warbixinnada maxalliga ah, dhibbanuhu wuxuu ka mid ahaa koox rag iyo dumar ah oo deegaanka ah oo ka kalluumaysanayay webi u dhow Beerta Mamojela, oo ah deegaan aan rasmi ahayn oo ka baxsan magaalada macdanta Lephalaale, tan iyo subaxnimadii.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Van Zyl uu kooxda ka soo rasaaseeyay jiinka kale, waxaana la maqlay isagoo u sheegay booliska inuu u maleeyay inay yihiin jeer.

Koox ka mid ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Economic Freedom Fighters (EFF) ayaa dhigay mudaaharaad kadib markii damaanad lagu sii daayay eedeysanaha dhaawacay haweeneyda.
Hendrik ayaa lagu sii daayay 1,000 rand ($62) damiin ah, waxaana kiiska dib loo dhigay baaritaanno dheeri ah ilaa 18ka May.

Dhacdo tan la mid ah shan sano ka hor, nin Koonfur Afrikaan ah oo beeraley ah ayaa lagu eedeeyay inuu nin beeraley ah ku dhaawacay qori pellet ka dib markii uu u maleeyay inuu daayeer yahay. Dhacdadan ayaa sidoo kale ka dhacday gobolka Limpopo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More