Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo gaaray magaalada Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Wafdiga guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Guddigga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland mudane DR Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan.

Ujeedada ugu wayn ee Socdaalka Gudoomiyaha Guddiga FEIT iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ah sidii uu xog-ogaal uga noqon lahaa doorashada Kuraasta lixda ah ee ay xalay shaaciyeen SEIT Jubbaland iyo sidii uu kulamo kala duwan oo lagu dardargalinayo howlaha shaqo ee doorashooyinka ula qaadan lahaa xubnaha Guddiga SEIT Jubbaland.

Gudoomiyaha Guddigga Hirgalinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland mudane DR Siyaad Maxamed Mursal oo ugu horayn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In xili muhiim ah uu yimid guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee socdaalkiisa ku weheliya.

Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Mudane Muuse Geelle Yuusuf ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay soo dhawaynta diiran ee loo sameeyay waxa uuna sheegay in door wanaagsan uu ka qaadan doono dar-dargalinta doorashooyinka Dalka.

Maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda ayaa Lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabto doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More