Wasiir Duraan;”Kursiga #Hop166 laguma dhaqmin habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Duraan Faarax ayaa sheegay in si baal marsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay loo maamulay doorashada Kursiga sumadiisu tahay HOP166, isagoo caddeeyay in Nabadoonada beesha uu kursiga ka dhaxeeyo aan wax door ah la siinin.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay wasiirku in doorka nabadoonada kursiga aan waxba laga siin;

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada iska leh kursiga golaha shacabka ee sumadiisu tahay #Hop166 u caddaynaya in si baal marsan habraacyadii doorashada dadban ee lagu heshiiyay 3 ilaa 9 Janaayo 2022 loo maamulay doorashada kursigaas.iyadoona Nabadoonada beesha kursigu ka dheexyo aan wax door ah la siin” ayuu ku yiri Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Duraan Axmed Faarax

Wasiir Duraan oo ah Musharax Xildhibaan kursiga Hop#166 oo uu ku fadhiyo Wasiirka hore ee Shaqada iyo Shaqaalaha XFS Xil Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa qoraalkiisa waxa uu ku sheegay in xubnaha ergada xulaya iyo ergadaba aysan haysan metelaad shacab.

Waa cabashadii ugu horeysay ee mas’uul ka tirsan xukuumada ka keeno doorashada golaha shacabka tan iyo markii horantii bishan lagu qabtay Muqdisho shirka golaha wadatashiga qaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More