Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo madaxweyne Biixi ku eedeeyay mas’uuliyada dagaalka Laascaanood

Feb. 26 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka Somaliland, ayaa si kulul uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaas oo galay maalintii 21aad oo xiriir ah.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ugu baaqay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo gobaladda SSC, oo ay fuliyaan go’aankii ay gaareen Isimadda dhaqanka ee gobaladaas oo isku duuban.

“Madaxweyne Muuse, Badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamadeeda kala baxdaa deegaanada SSC, maanta berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlayay Laascaanood.

Waxa uu sheegay in nidaamka xukuumadu u maamushay colaada magaalada Laascaanood aanu ku qanacsanayn, isaga oo sheegay in sheegashada xukuumada ee ah in ay argagixiso la dagaalamaysa ay xaalada faraha ka saartay, waxaanu ku tilmaamay in ay ahayd talaabo meel ka dhac ah.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More