Gudoomiyaha degmada Kaxda oo sheegay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaan Badal

April 19 (Jowhar.com) Gudoomiyana degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf (Maxamed Yare) ayaa ka hadlay dil maqribnimadii xalay degmadiisa loogu geystay Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta iyo dowlad-dhiska dalka.

Maxamed Yare oo suxufiyiinta la hadlay ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan sida uu uga naxay geerida Abwaanka, isagoo Alle uga baryay inuu ki irsaaqo Janadiisa.

“Runtii waa geeri aad u xanuun badan, waana uga tacsiyeyneynaa qaraabada, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa dhinaca kale sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka abwaanka ayna kusoo dhigi doonaan gacanta, isagoo xusay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaanka oo aysan ka hari doonin ilaa gacanta uga soo dhigaan una horgeeyaan cadaaladda.

“Waxaan caddeyneynaa Abwaan Bedal gacantii dishay, haddii Ilaahey raalli ka noqdo in lagu tegi doono. Raadad ayaan heynaa, xogo ayaan heynaa waana ku tegi doonaan,” ayuu nar kale yiri guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Abwaan Beddel oo ay walaalo ahaayeen Wasiiru dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaala degmada Kaxda, waxaana soo baxaya shaki ku aadan cida ka danbeysa dilkiisa, iyadoo ehelkiisa qaar ay sheegayaan in dilkiisa siyaasad uu la xiriiro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More