Gudoomiyaha degmada Yaaqshid oo lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Muqdisho

Feb. 27 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan NISA iyo ciidan ui watay gudoomiyaha degmada Yaaqshid.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka uu watay gudoomiyaha degmada Yaaqshid oo ka gudbayay kontrolka ciidamada ay joogeen uu is-faham waa soo kala dhex galay labada dhonac, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo kooban socday oo khasaare dhomasho iyo dhaawacba leh.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshid ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, iyadoo uu sidoo kale ku dhintay askari ilaalo u ahaa, halka dhanka kale askari ka tirsan ciidanka Duufaan uu ku geeriyooday mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Xaaladda Isgoyska Siinaay ayaa wali ah mid kacsan waxaana halkaasi gaaray ciidamo NISA oo gurmad ahaa, kuwaasoo goobta lagu xoojiyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More