Gudoomiyaha golaha shacabka oo tegay Afisyooni isagoo amar dul dhigay saraakiisha ciidamadda

May 10 (Jowhar.com)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afasiyooni oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, iyadoo beri ay ka bilaabaneyso hadal jeedinta musharixiinta.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya, isagoo faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan, wuxuuna amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan aan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More