Gudoomiye Madaale oo dhaq dhaqaaq shaqo bilaabay kadib qancintii beesha Galmaax.

Sept. 12 (Jowhar.com)-Guddoomiyaha xafiiska jooga ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddoomiyaha magacaaban ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarumaha Dowlada Hoose ee Xamar.

Goobaha ay masuuliyiintan kormeereen ayaa waxaa kamid ah.

1-Xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar.
2-Xarunta Gaadiidka bisha cas iyo Xarunta sheybaarka dhismaha ee Dowlada hoose.
3- xarunta Caafimaadka Dowlada Hoose.
4-Xarunta Agaasinka Waxbarashada.
5-Xarunta Dabdamiska.
6-Xarunta Dad-dhigista iyo Xarunta taliska ciidanka ilaalinta deegaanka ee Dowlada Hoose.
7-Xarunta Barxada Biyaasa Liibara.

Madaale oo si kooban uga hadlay kormeerka uu maanta sameeyay ayaa Cumar Filish uga mahad celiyay shaqada uu qabtay mudadii uu xilka hayay.

“Waxaan si wadajir ah maanta u kormeernay aniga iyo gudoomiye Cumar Maxamuud maxamed (Filish) qeybo kamid ah xarumaha dowlada hoose ee Xamar, Waxaan gudoomiye Cumar filish ku bogaadiyay shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay muddii uu xafiiska joogay” ayuu yiri Madaale.

Gudoomiyaha magacaaban ee gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale shaqaalaha dowladda Hoose faray iney laba jibaaraan howlaba ay hayaan.

“Waxaan shaqaalaha dowlada hoose iyo xarumihii aan booqday kula dardaarmay ineey sii labba jibaaraan howlaha baaxad leh ay u hayaan shacabka ku nool gobalkaan Banaadir” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.

Si kastaba, Dhaq dhaqaaqan shaqo uu bilaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa ku soo aaday kadib markii xalay uu madaxweyne Xasan Sheekh qanciyay beesha Galmaax isagoo la kulmay siyaasiyiinta, odayaasha iyo xildhibaanka beesha Galmaax Yoonis oo cabasho ka aheyd habka uu u maareeyey magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More