Gudoomiye Madaale oo durba ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho.

Sept. 07 (Jowhar.com)-Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta loo magacaabay xilka fudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay shaqada ugu horeyso ee uu diirada saarayo inta uu xafiiska fadhiyo.

Madaale oo qoraal Mahad naq ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha xilka uu u dhiibay, isagoo balanqaaday inuu xil iska saari doono u adeegida bulshada caasimadda.

Arrimaha uu xoogg saari doono ayuu ku sheegay iney qeyb ka tahay sidii maqaamka magaalada muqdisho meel loo saari lahaa, Bilicda caasimadda iyo dhismaha wadooyinka burbursan.

“Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib usoo celino hindisihii weynaa ee “Hal doolar dalkaada ku dhiso” Ee aan jidadka magaalada ku dhisnay iyo midkii ahaa “Saaxiib hagaaji hortaada” oo aan kusoo celineynay nadaafada iyo bilicda caasimada muqdisho, waxaa intaas dheer inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada muqdisho oo shacabkeedu is doortaan hadduu uu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir” ayuu yiri gudoomiyaha.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More