Gudoomiye Sacdiya oo qaar kamida culimada kala hadashay hadalkeedii buuqa dhaliyay.

Dec. 02 (Jowhar.com) -Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kulan la qaadatay qaar ka mid Culima’udiinka Soomaaliyeed kuwaas oo kala hadlay arrimo si been abuur ah loogu faafiyay Baraha Bulshada.

Guddomiye Sacdiyo Yaasiin oo Culimadda uga mahadcelisay sida ay u soo ajiibeen kulankeedi ayaa waxa ay Bulshada iyo Cumimadda Soomaaliyeed uga jawaabtay Khudabadii ay ka jeedisay daah-furka ol’olihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah ee Haweenka & Carruurta, iyadoo xustay hadaladii baraha Bulshada la wareejinaayay iyo mowduuca ay ka hadleysay aan aheyn mid hal meel u wada socda.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa Bulshada Soomaaliyeed u sheegtay in aan wada ilaalino Shuruucda dalka iyo in meel loogu soo wada jeesto tacdiyada loo geeysto Haweenka iyo Carruurta yaryarka ah, waxaana ay markale adkeeysay in laga wada shaqeeyo mid nimada iyo ilaalinta diinteena Suuban. Gudoomiye Sacdiya oo qaar kamida culimada kala hadashay hadalkeedii buuqa dhaliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More