Gudoomiyihii degmada Afgooye oo shaqa joojin lagu sameeyay iyo xiisad ka dhalatay.

June 03 (Jowhar.com)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxaad Maxamed Ciise ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegayo inuu shaqada uga joojiyay gudoomiyihii degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose.

Qoraalka oo la ogeysiiyay madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-Gareen iyo gudoomiyaha gobolka Sh.Hoose Ibraahim Najax ayaa sababta lagu sheegay in gudoomiyaha uu sameeyay ku takri fal awoodeed, amar diido iyo iska horkeenida mas’uuliyiinta maamulka Koofur Galbeed.

Mas’uuliyiinta kale ee maamulka degmada Afgooye ayaa la amray iney shaqada sii wadaan, isla mar ahaantaasina aysan wax saameyn ah ku yeelan talaabada ay qaaday wasaarada arrimaha gudaha, iyadoo lagu wargaliyay in loo soo magacaabi doono mas’uul cusub, waxaana Afgooye laga soo sheegaya xiisad arintan salka ku heysa.

Si kastaba, Guddoomiyihii degmada Afgooye ee Shaqa joojinta lagu sameeyay Abuukar Maxamed Cumar,ayaa dhawaan Maamul Cusub u Magacaabay shalayna xilalka u kala wareejiyay Maamulkii degaanka Jasiira, taas oo ay kasoo horjeesteen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, waxeyna soo dadajisay in shaqa joojin lagu sameeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More