Gudoonka baarlamaanka oo mushaarka ka jaranaya xildhibaanada aan soo xaadirin fadhiyada BFS

Jun. 05 (Jowhar.com)-Guddoomiye Cabdullaahi Abshiroow ayaa sheegay in aysan isku xuquuq noqon doonin bishaan Juun Xildhibaanada soo xaadira kulamada iyo kuwa iska maqnaado fasax la’aan.

Arrintan waxa ay timid iyadoo maanta uu kooram la’aan u baaqday kulanka 2-aad kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka, maadaama aysan soo xaadirin xildhibaano badan

Sida wararku ay tilmaamayaan, Waxaa fadhiga Golaha laga akhriyay Xildhibaanada soo xaadiray, kuwa fasaxa ku maqan iyo kuwa fasax la’aanta iska maqan si loola xisaabtamo kuwa maqan.

Gudoomiye Abshiroow ayaa ku goodiyay ineysan aqbali doonin baaqashada kulamada golaha shacabka, xili dhawaan laga soo laabtay fasax dheer oo mudanayaasha baarlamaanka ay isaga maqanayeen.

Xildhibaanada ayaa waxaa horyaala sharciyo badan oo looga fadhiyo iney meel mariyaan iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wallow imaashaha fadhiyada baarlamaankaba lagu kari la’yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More