Mareykanka, Qatar iyo Ingiriiska oo $10.5 million ugu deeqay Soomaaliya, si abaarta wax looga qabto

Jun. 05 (Jowhar.com)-Lacag dhan 10.5 milyan oo doolar oo gargaar abaaraha iyo u adkeysiga ah ayaa loogu deeqayaa Soomaaliya iyadoo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa la doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay sanadihii 2021 iyo 2022.

Lacagta ayaa qorshaha yahay in wax looga qabto arrimaha gargaarka Soomaaliya oo ay ku dhufteen abaaro daran, taasoo ay sii dheer tahay colaadaha ka jira deegaanada qaar oo ay dad badani isaga soo hayaameen.

In ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan.

Ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa heysata cunto yari aad u daran taasoo ay ugu wacan tahay abaar daran oo ay uga sii dartay rabshado.

In ka badan saddex milyan oo qof ayaa barakacay tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More