Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo mamnuucay dhaqangelinta heshiisyada Dheef Wadaagga ah

May 06 (Jowhar.com)–Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu joojiyay galitaanka ama billaabidda dhaqan-galinta heshiisyada dheef wadaagga ah (Concession Agreements) inta lagu guda jiro xilliga doorashada.

Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka ayaa waxaa uu ugu digay masuuliyiinta dowladda in ay saxiixan heshiis aan waafaqsaneen dastuurka, cidii arrintaasi sameyso laga qaadan doono talaabo adag.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa warqad uu u diray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojiyay galitaanka ama billaabidda dhaqan-galinta heshiisyada dheef wadaagga (Concession Agreements) inta lagu guda jiro xilliga doorashada.”ayaa lagu yiri qoraalka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More