Caanoy oo ku guuleystay kursiga #HOP135 ee xildhibaan Aamina

May 06 (Jowhar.com)–Magaalada Jowhar waxaa xalay lagu qabtay doorashada kursiga #HOP135, kaasoo ay ka geeriyootay xildhibaan Aamina Maxamed oo qarax lagu dilay xili ay Beledweyn ka waday ololihii u danbeeyay ee dib u doorashadeeda.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa qoraal ay soo dhigeen bogooda Facebook waxa ay ku shaaciyeen in Maxamed Aadan Daahir (Caanoy) uu ku guuleystay doorashada kursigaas oo xalay lagu qabtay caasimadda Hirshabelle.

Doorashada kursiga #HOP135 ayaa ka dhigan in Hirshabelle ay soo gaba gabeysay doorashada kuraastii ku harsaneyd ee golaha shacabka, walow aan wali dhinac loo ridin kursiga #HOP086 oo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin, walow guddiga doorashada heer federaal ay diideen natiijada doorashada.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa haatan isu diyaarinaya doorashada madaxweynaha 10-aad ee dalka oo la qabanayo 15-ka bishan, iyadoo haatan caasimadda uu ka socdo ololihii u danbeeyay ee loogu jiro tartanka madaxweyne, xili xildhibaanada ay haatan kutlo kutlo isu qeybinayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More