Hay’ad caalami ah oo dowaldda Soomaaliya u balanqaaday gurmadka abaarta dalka.

August 23 (Jowhar.com-Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Mercy Corps Tijada D’oyenMckenna.

Ergeyga iyo Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyay hay’adda xaaladda guud ee Abaaraha dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa howlaha Gurmadka Abaaraha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay dardar gelinta howlaha Gurmadka Abaaraha iyo ka mira dhalinta barnaamijka la xariira adkaysiga iyo guud ahaan wada shaqaynta sidii dhaqaale dheeri ah loogu heli lahaa.

Ugu danbeyn, Madaxa hay’adda Mercy Corps oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha gargaarka ayaa u ballan qaaday wada shaqeyn Ergeyga iyo Guddoomiyaha Wadashaqeyn buuxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More