Hay’adda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya oo sheegtay in gargaar iyo dhakhaatiirba ay u diri doonto Qasa

Oct 29 (Jowhar.com)-Gudoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle oo saaka ka hadlayay isu soo bax lagu xusayay qaraxii Soobe 2 ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadda ka taagan magaalada Qasa.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin in gargaar iyo dhakhaatiirba u diraan Marinka Qasa, haddii dib loo furo Marinka Rafax.

“Hay’dda Maaraynta Musiibooyinka waxay ku talo gashay haddii la furo Marinka Qasa in ay u diri doonto gargaar, ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, ummadda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato, iyadoo idin kaashanaysa in la geeyo, waxa diyaara dhakhaatiir mutadawiciin ah, waxa diraaya waxa ummadda Soomaaliyeed iska soo ururisay, waxan diyaar u nahay haddii la furo Marinka Rafax ee Masar in aan Qasa kaalmo u gayno” ayuu yiri Maxamuud Macalin.

Maxamuud Macalin ayaa is barbardhigay dhibaatadda Al-Shabaab ay ku hayaan Soomaaliya iyo dhibta uu sheegay in Israa’iil ka gaysanayso Qasa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More