Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil u magacaabay gudoomiyihii Hiiraan Cali jeyte

Oct 29 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka maqan ayaa xil u magacaabay gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, Jeyte waxaa loo magacaabey inuu noqdo u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

Cali jeyte ayaa lagu xasuustaa doorkii firfircoonaa uu ka qaatay dagaalka Shabaab, isagoo si aad ah u abaabulay ciidan macwuusley ah oo koxoda ka saaray deegaano badan oo dhaca Hiiraan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More