Hay’adda ICG oo digniin ka soo saartay ka saarista ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya

Hay’adda Xasaradaha adduunka ICG ayaa digniin ka soo saartay in Ciidamada AMISOM ay ka baxaan dalka Soomaaliya iyadoo aan la heyn ciddii amniga kala wareegi laheyd.

Warbixin ay soo saartay hey’adda ayaa waxa ay ku sheegtay inay walaac xoog leh ka qabto hubanti la’aanta ka jirto mustaqbalka ciidamada AMISOM maadaama waqtiga howlgalkaan uu ku egyahay 31-ka December 2021.

ICG ayaa sheegtay in laga yaabo in kooxda Al-Shabaab la wareegi doonto guud ahaan Soomaaliya haddii ay ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya iyadoo aan la helin ciidamo ku filan difaaca dalka.
Hay’adda ayaa ku baaqday in laga fiirsado tallaabadaas oo ay sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Africa.

Hey’adda waxay sheegtay in Deeq-bixiyayaasha taageera AMISOM ay rabaan dib-u-habayn iyo in la dhimo tirada ciiddamada, halka AU iyo dawladdaha ciidamada ku deeqay ay raadinayaan maaliyad la isku halayn karo iyo in howlgalka lasii ballaariyo.

“AMISOM waxay lama huraan u tahay ilaalinta cabbirka xasilloonida Soomaaliya. Ka bixitaankeeda degdega ah waxa ay dhiirigelinaysaa kacdoonka Al-Shabaab, waxaana laga yaabaa in dalka uu galo fowdo. Laakiin deeq-bixiyayaashuna waxay ka caga jiidayaan hawl-gal aan horumar yar ka samayn dagaalka ka dhan ka ah xagjirnimada ee ka socda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ICG.

Hey’adda ayaa ku talisay in illaa lix bil oo dheeri ah loogu daro howlgalka Midowga Africa ee AMISOM si saaxiibada AMISOM ay waqtigaas ku diyaariyaan qorsho dib u habeyn ah oo socon doono muddo 5 sano ah.

Waxay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in howlgalka AMISOM dhaqaale looga raadiyo Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo dhinacyada kale ee ka qeyb qaadan karo sii socosashada howlgalka AMISOM.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More