Heshiis laga gaaray khilaafkii Siciid Deni iyo Hay’adda PSFta

Mar 4 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa oggolaaday in uu General Maxamuud Diyaano uu sii ahaado agaasimaha PSF balse waxa uu u magacaabo General Amiin Khayr hay’ad cusub oo lagu magacaaboCiidamada gaarka ah ee sirdoonka Puntland.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in dib laga soo saarayo xeer nidaamiye qeexaya kala xadeynta waajibaadka ciidamada kala duwan ee Puntland.

Soo saarista wareegtadan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Boosaaso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.

Waxayna magacaabistan cusub soo afjaraysaa khilaafkii ka dhashay hay’adda PSF ee sababay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii sanadkii hore.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Deni; Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.
Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.

Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland. Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More