Hindiya oo noqotay dalkii afaraad ee dayaxa ku dul dejiyay Dayaxgacmeed

Aug 23 (Jowhar.com)-Hindiya ayaa ku guulaysatay inay dayax-gacmeed ku dejiso dayaxa, iyadoo noqotay waddankii afraad ee sidaas sameeya.

Mareykanka, Shiinaha iyo Midowgii Soofiyeeti ee hore ayaa dhameystiray degitaanka dusha dayaxa. Wajigii ugu dambeeyay ee hawlgalka waxa ka mid ahaa farsamada dayaxgacmeedka Chandrayaan-3 oo xawaarihiisa hoos u dhigay xilli uu boqol mitir oo kaliya u jiray oogada dayaxa, ka dibna si tartiib ah u caga dhigtay.

Dhamaan hawlgalka si toos ah ayaa loo daawanayey xilli ay jeexjeexyo iyo dhagaxaan ka dhigeen mid adag in dayaxgacmedku ku dego cidhifka koonfureed ee dayaxa.

Tan ayaa imaaneysa maalmo uun kadib markii howlgalkii Ruushka ee kan la midka ahaa uu ku dhamaaday masiibo.

Chandrayaan-3 ayaa dhawaan diri doona gaari aan wade lahayn si uu u raadiyo barafka biyaha, kaas oo sahli kara in dayaxa dushiisa laga sameeyo saldhigyo joogta ah. Hawlgalku wuxuu xoojin karaa heerka Hindiya oo ah awood weyn oo caalami ah oo hawada sare ah.

Goobta Chandrayaan-3 ayaa sidoo kale ku dhow cirifka koonfureed ee dayaxa marka loo eego dayax gacmeedyada kale ee taariikhda ku dhiiraday.

Gobolka cirifka koonfureed waxa loo tixgaliyaa aag cilmi iyo istiraatijiyadeed oo muhiim u ah quruumaha hawada sare marinaya, maadaama saynis yahanadu aaminsan yihiin in gobolku hoy u yahay kaydka barafka.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, oo hadda ku sugan Koonfur Afrika oo uu ka qayb-galayo Shir-madaxeedka BRICS, ayaa si toos ah u daawaday soo degista, wuxuuna la wadaagay hadallo la sii daayay oo si toos ah loo daawanayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More