Hirshabelle oo shaacisay guddiga 3 kursi iyo dib u dhac ku yimid doorashada lix kursi

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga soo xulaya ergada saddexda kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Beledweyne.
Saddexda kursi ayaa waxaa ka mid ah kursiga #HOP068 oo la filayo inuu ku soo baxo Maxamed Ibraahim Macalimuu Macalimuu oo dhawaan ka soo laabtay dalka Turkiga oo loogaga soo daweynayay dhaawac ka soo gaaray weerar lagu doonayay in lagu dilo.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid qabsoomida doorashadii la qorsheeyay in Maalinta Bari oo ah Sabti 26/02/2022 Sababo Farsamo awgeed.

Waxa uu guddiga shaaciyay in guud ahaan Doorashda 6da kursi ee tirsigoodu kala yahay HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032, HOP#252 iyo HOP#068 la qaban doono doorashadooda maalinta axada 27/02/2022.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More