Hoobiyeyaal lagu garaacay xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

Apr. 09 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro hoobiyayaal ah oo lagu garaacay nawaaxiga madaxtooyada, kuwaasoo dhaliyay khasaare kala duwan.

Madaafiicdan oo kudhowaad shan Hoobiye lagu sheegay waxey ku dheceen waaxda 2aad ee Hanti wadaag gaar ahaan nawaaxiga Iskoolka 15May xiliga Af-furka ee magaalada Muqdisho.

Jugta hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay qeybo badan oo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo cabsi soo wajahday shacabka caasimadda.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaameysa inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay dad shacab ah iyo Ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Laamaha amaanka kama aysan hadal Hoobiyayaasha, waxa ayna tani daba socotaa falal amni darro ah oo maalmahaani kusoo badaneysay magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More