Iiraan oo ku hanjabtay in badda Mediterranean-ku xirmi doonto

Dec 23 (Jowhar.com)-Taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in badda Mediterranean-ku ay xirmi doonto haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay sii wadaan “dambiyada” ay ka geysanayaan Qasa, warbaahinta Iran ayaa Sabtidii sheegtay, iyadoo aan la sharraxin sida ay taasi u dhici karto.

Iran ayaa taageerta Xamaas-ta la dagaalamaysa Israa’iil waxayna ku eedaysay Maraykanka inuu taageerayo waxa ay ugu yeertay dambiyada Israa’iil ee Qasa, halkaas oo duqeymo todobaadyo ah ay ku dhinteen kumaanan qof, dadka intooda badana laga saaray guryahooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More