Ilhan Cumar oo markale dalabtay in tallaabo laga qaado Dhaxalsugaha Sacudi Carabiya

Ilhan Cumar oo Minnesota ku metasha Congress-ka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday hindise sharciyeed ay ku doonayso in dhaxalsugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salman, lagu soo rogo cunaqabateyn.

Warbixin todobaadkii hore uu baahiyay xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka Maraykanka ayaa lagu sheegay in bin Salman uu amray dilka weriye Jamal Khashoggi oo si arxan darro ah ugu dhintay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Tallaabada ay qaaday Ilhan ayaa ka horkeeni karta afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi iyo xitaa Madaxweyne Joe Biden oo labaduba ka gaabsaday inay tallaabo adag ka qaadaan Maxamed bin Salmaan.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Maraykanka ayaa meesha ka saartay in bin Salman loo ciqaabi doono dilkii Khashoggi, waxaa se ay sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii dib loogu wanaajin lahaa xiriirka Washington iyo Riyadh.

Ilhan ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter ku sheegtay in hindise sharciyeedka uu tijaabo u yahay dareenka bani’aadannimo ee Maraykanka.

“Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyada hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi,” ayay sheegtay Ilhan.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa Isniintii difaacday go’aanka ah in aan cunaqabateyn lagu soo rogin Maxamed bin Salmaan, iyadoo sheegtay:

“Marka aad taariikhda eegto, Madaxweynayaasha Maraykanka, dimuqraadi iyo jamhuuri-ba cunaqabateyn ma saaraan hogaamiyayaasha dalalka aan la leenahay xiriirka diblomaasi”.

Dhaxal-suge Maxamed bin Salman ayaa ah wiilka taajka boqortooyada kala wareegi doona aabihii Boqor Salman oo 85 jir ah, waxaana inta badan uu qabtaa hawlaha xukuumadda.

Khashoggi, oo maqaalo u qori jiray The Washington Post, ayaa muddo ku noolaa gobolka Virginia ee Maraykanka, waxaana uu si weyn u dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga.

Sanadkii 2018 ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul, halkaas oo lagu jarjaray xubnaha jirkiisa.

Ilhan Cumar ayaa ah gudoomiye kuxigeenka guddi congress-ka u qaabilsan xuquuqda aadanaha, waxaana ay xubin firfircoon ka tahay xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More