Wiil Dhalinyaro ah oo lagu diley xalay magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xalay koox burcad ah ay xalay ku dilay magaalada Baledweyne kaasoo dilkiisa loo adeegsaday mindi.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jirey Cabdishakuur Maxamed Beyle ayaa ka mid ahaa dhalinyarada ku nool xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa ka dhacay xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Baledweyne gaar ahaan laanta Dhagaxjibis waxaana la sheegay ragga dilay iney wateen Mooto Bajaaj kuwaas oo doonayay iney ka dhacaan Moobeylka gacanta uu watay marxuumka.

Dhacdada dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi baaritaano ka sameyay inkastoo aaysan suurtagalin iney gacanta kusoo dhigaan raggii dilka geystay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More