Inkabadan 20 Shabaab ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh.Dhexe.

Nov. 24 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar culus oo xubno Shabaab ah ay ku qaadeen maleeshiyaadka deegaanka ee Macwuusleyda oo ku sugnaa degaanka Ceeldheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in maleeshiyada deegaanka ay si adag isaga caabiyeen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, taasoo keentay in kooxda ay dib u gurasho sameyso kadib markii khasaare lixaad leh la gaarsiiyay.

Gudoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane  oo kamid ah mas’uuliyiinta ku sugan furimaha dagaalka ayaa sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab uga dileen in ka badan 20 dagaalame, isla markaana meydadkooda ay Maanta soo bandhigi doonaan.

Si kastaba, Shabaabka ayaa u muuqdo kuwa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii ay u fashilin lahaayeen duulaanka la hadalhayo in uu ku wajahan yahay Degmada Aadan Yabaal, oo ay ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii dadka reer Hirshabelle ugu baaqay inay ka guul gaaraan dagaalkan ay dhulkooda kaga xoreynayaan halka cadow ay maanta ummadda Soomaaliyeed leedahay.Inkabadan 20 Shabaab ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh.Dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More