Isbitaal Somali Sudanese oo ku guuleystay abaalmarinta Somali Night Awards

August 18 (Jowhar.com)-Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka Goobta Caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka howlgalla Gobolka Banaadir.

Munaasabadda Habeen-ka Abaalgudka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Sahal, iyadoona lagu abaal mariyay dhamman qaybaha kala duwan ee Soomaalida.

Isbitaalka takhasusiga ee soomaali Sudanese ayaa ku guuleystay abaalmarinta isbitaalka ugu fiican ee isbitaalada gaarka loo leeyahay, kadib qiimeen ay sameesay Somali Night Awards.

Ma ahan markii ugu horreysay ee isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmarintaan, waxa uu isbitaalka Somali Sudanese ku guuleystay abaalmarintaan oo kale saddex jeer oo hore sida Mogadishu Health Awards, sannadka 2020, Somali Health Awards sannadka 2021, iyo Somali Night Award sannadka 2022

Isbitaalka takhasusiga ah ee Somali Sudanese waa isbitaalka ugu weyn ee gaar loo leeyahay kuna yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Isbitaalka waxaa 2014 aasaasay ganacsato iyo dhaqaatiir Soomaaliyeed iyadoo xilligaasi bulashada soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabeen adeeg caafimaad oo lagu asteeyay hufnaan iyo tayo, waafaqsanna halbeegyada caalamiga ah ee loo jideeyay daryeelka bukaan socodka iyo bukaan jiifkaba. Isbitaalka Somali Sudanese waxaa markiisii hore lagu bilaabay 50 sariirood iyadoo maantana bukaanka jiijka la gaarsiiyay in ka badan 150 sariirood.

Maanta isbitaalka Somali Sudanese waxaa ka hawlgala 125 dhaqtar oo 30 ka mid ah ay yihiin dhaqtaariir takhasusi ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta iyo qalliimada cudurada kala duwan. Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan, Dhaqtarka Cudurada Guud, Qalliimada guud, Dhaqtarka Lafaha, Dhatarka maqaarka, Dhaqtarka beerka iyo uur kujirta (gastroenterology), Dhaqtarka wadnaha (Gardiology), Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT), Dhaqtar haweenka, Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More