Abwaan Hadraawi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

August 18 (Jowhar.com)-Alle ha u naxariistee waxaa goordhow magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Maxamed Ibraahim warsame (Hadraawi), sidaas waxaa xaqiijiyay ehelkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Marxuumka ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay deegaanada Somaliland, ilaa uu gaaray iney xasuustii ka tagtay, waxaana dhowr jeer oo hore loo qaaday xarumo caafinaad oo gudaha dalka iyo dibadaba ah.

Abwaanka oo si weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo wadamada qaar ee caalamka ayaa sameeyay heeso dhowr ah iyo Gabayo, wuxuuna kamid ah tiirarka uu ku taagan yahay Fanka Soomaalida, isagoo soo gacan qabtay fanaaniin fara abdan oo fanka meel sare ka gaaray.

Goordhow Taariikhdiisa oo dhameystiran la soco.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More