Ismaaciil Cumar Geelle oo markale loo caleemasaarayo madaxtinimada dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleemo-saarayaa xilka madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bishii hore ka dhacay dalkaas.

Xafladda caleemo-saarka madaxweyne Geelle ayaa soo sheegaya inay ka soo qeybgalayaan xafladdan marti sharaf ay ka mid yihiin Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’isul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, Madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Pakistan, Turkey, Sucuudiga, iyo France.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.41% codkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii bishii April, waxaana la tartamay gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo helay 1.59% tirada guud ee doorashadaas.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More