Isra’il oo duqeyn ku dishay Kudhowaad 10 ruux oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobe ee Qaza

Oct 12 (Jowhar.com)-Sagaal ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Qaza tan iyo markii ay billaabatay duqeynta Sabtidii, sidaas waxaa Arbacadii sheegtay hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Sagaal ka mid ah shaqaalaha UNRWA (lix shaqaale ah iyo saddex qandaraasle) ah ayaa la dilay, halka saddex macalin ay dhaawacmeen,” ayay hay’adda gargaarka iyo shaqada ee Qaramada Midoobay (UNRWA) ku tiri hadal ay soo saartay.

Waxay sheegtay in dhammaan dugsiyada UNRWA ee ku yaalla marinka Gaza, oo ay ku jiraan xarunta dhaqancelinta ee dadka aragga naafada ka ah iyo labada xarumood ee farsamada gacanta ee Gaza iyo Khan Younis, ay weli xidhan yihiin.

“Laba dugsi oo UNRWA ah ayaa waxaa saameeyay duqeymaha cirka, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhismooyinka ay saameeyeen iskahorimaadku 20-tan tan iyo 7-dii Oktoobar,” ayay raacisay.

In ka badan 1,900 oo qof ayaa lagu dilay rabshadaha, oo ay ku jiraan ugu yaraan 900 oo falastiiniyiin ah iyo 1,000 Israa’iiliyiin ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More