Itoobiya oo cabsi ka qabta xiriir toos ah oo dhexmara Xasan Sheekh iyo TPLF.

Sept. 07 (Jowhar.com)-Warbixin laga aqriyay Telefishinka dowladda Ethiopia ETV ee ku baxa luqada Ingiriiska ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya oo cinwaan looga dhigay “Soomaaliya waxay soo martay dagaal sokeeye oo ugu faca weyn Afrika”.

Sdoo kale waxay warbixinta si gaar ah dulmar guud uga hadleysay Madaxweyne Xasan taariikhdiisa, markii uu Madaxweyne noqday sanadkii 2012 illaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha 15 May 2022.

Warbixintan waxay muujineysaa in uu jiro xiriir la’aan iyo tuhun kala fogaansho, taasoo Madaxweynaha loogu sheegayay in hadda la joogo waqtigii uu midnimo iyo garab istaag u muujin lahaa Ethiopia si horay loogu wado Xiriirka labada dal.

Waxaa lagu sheegay Warbixinta in Ururka TPLF uu isku dayayo in Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu qaado tallaabo wax u dhimi karta danaha Qaranka dowladda Ethiopia, haddii uu tallaabadaas qaadana ay horseedi karto inay ka dhalato Urur ka khatar badan Al-Shabaab, isla markaana uu weyn karo xulufo weyn oo Gobolka ah.

Sidoo kale waxaa dhanka kale ay muujiyeen in xiriir ka dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka hor inta xukunka lagala wareegin sanadkii 2017 waana arrin wayn oo aan fududayn.

Waxaa kaloo warbixinta xustay xiriir dhow ee u dhaxeeyay Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More