Jadwalka Doorashada Sanatarada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada Aqalka Sare, iyadoo todobaadka soo socdo ay dhici doonto Doorashada 11 Kursi ee Aqalka Sare.

Shaacinta jadwalkan ayaa timid kadib markii maanta la shaaciyay liiska musharaxiinta kuraasta Aqalka Sare ee loo qoondeeyay siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Jadwalka ayaa waxaa ku qoran in ay doorashada bilaaban doonto 28ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota waxayna doorashada ku eg tahay 30ka bishan September 2021.

Hase yeeshee kahor aya waxaa bilaaban doonta diiwaangelinta iyo tababarka ergada doorashadan ka qeybgalaysa.

Halkan hoose ka aqriso Jadwalka Doorashada;

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More