Wasiirka Amniga Gudaha oo la kulmay qaar ka mid ah qoyska Ikraan Tahliil

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno kale oo ka tirsana qoyska Ikraan Tahliil.

Wasiirka amniga iyo qoyska Ikraan Tahliil ayaa ka wada hadlay sidii cadaalad ay u heli laheyd Ikraan tahliil oo ay sheegeen qoyska iney ku tabayaan gacanta hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Xubnaha ka socday qoyska Ikraan Tahliil oo ay horkaceysay hooyada dhashay Ikraan ayaa wasiirka amniga gudaha waxay ka codsadeen inuu u fasaxo banaanbax nabadeed oo ay ku doonayaan cadaalad u helida gabadhooda iney dhigteen, wasiirka ayaana ka aqbalay codsiga ay usoo gudbisteen qoyska Ikraan Tahliil.

Cabdullaahi Maxamed Nuur wasiirka amniga ayaa ugu horeyntii uu sheegay qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil inuu la qeybsanayo murugada gabadhooda, islamarkaana uu ka xun yahay dhibaatada ku dhacday qoyska.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in cidii hor istaagta banaanbaxaasi nabadeed ee uu u fasaxay qoyska Ikraan Tahliil aysan waxba ka duwanaan doonin dadka lagu tuhunsan yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More