Jadwalka Hadaljeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha oo la shaaciyay

May 10 (Jowhar.com)–Iyadoo la soo gabagabeeyay diiwaangelinta musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga qabanqaabada doorashada waxa ay shaaciyeen jadwalka hadaljeedinta musharaxiinta.

Hadal jeedinta 39 ka Murashax ee xilka Madaxweynaha ee bilaaban doonta maalinta berri, waxaana ay Socon doontaa ilaa 12 May.

Maalinta koowaad 20 Musharax ayaa hadal jeedinaya, halka maalinta labaad ay jeedinayaan 19
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday kana mid ah musharaxiinta ayaa waxa uu hortagi doonaa xildhabaanada baarlamaanka maalinta labaad ee hadaljeedinta oo ku beegan 12ka bishan.
Musharax walba waxaa loo ogol yahay 15 daqiiqo oo hadal jeedin ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More