Xasan Sheekh iyo Lafta Gareen oo kulan yeeshay saacdo kahor hadal jeedinta musharixiinta

May 10 (Jowhar.com)– Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ku saabsanaa is xog wareysi xaalada dalka iyo doorashada Madaxweynaha, iyadoo la rumeysan yahay In Koofur Galbeed ay ka mid tahay go’aamiyeyaasha ugu weyn ee doorashada Madaxweynaha.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladihii u danbeeyay ee dalka iyo sidii Lafta-Gareen uu kaalin ugu yeelan karo dadaalada uu Xasan Sheekh ugu jiro in mar kale loo doorto madaxweynaha Afarta sano ee soo socota, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn mowqifka madaxweynaha koofur galbeed.

Si kastaba, maalinimada beri oo Arbaca ah waxaa loo balansan yahay hadal jeedinta musharixiinta, taasoo socon doonto ilaa Khamiista, iyadoo la gali doono laba maalin oo olole ah si 15-ka bishan oo Axada ku beegan ay u dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, waxaana u taagan 39 misharax.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More