Jen. Cabdalla Cabdalla oo darajadiisa ciidanimo loo soo celiyay.

August 30 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, si waafaqsan Qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii, codsi uu soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.”

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay, Ogoosto 30, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Si kastaba, Sareeyye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa sanadkii 2018 waxaa darajada Ciidannimo ka qaaday Madaxweynihii hore Farmaajo.

Cabdalla Cabdalla ayaa soo noqday Taliye kuxigeenkii NISA, waxaa xilka iyo darajada laga qaaday sanadkii 2018, markii Taliska NISA ku soo biiray Fahad Yaasiin oo dagaal shaqsi ah labadaba ka dhaxeeyay, isla markaana uu Cabdalla Cabdalla uu hadda ka hor ku eedeeyay in Fahad xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More